Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in qatiyaan ay ka joogaan shacabka ku dhaqan degmadaasi, rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaa oo dadka dhac u geysanaya.
Cabdi Xakiin Cabdulaahi oo ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dhibaatooyinka ugu daran ay jiraan xilliga habeenkii ah oo dhac loo geysto dad shacabka ah.
“Habeenkii waxaa laamiga dhexdiisa ganacsatadii joogtay laga qaadanayo taleefanada gacanta ah iyo lacagaha ay heestaan, habeenkii shaqooyinka dadka wey iska daayeen, maxaayeelay amniga ayaa aad u xumaaday”



From the comments