Goobjoog

Midoowga Yurub oo Labo Sano Waqtiga u Kordhiyey Maraakiibta Soomaaliya Ka Joogta

Hawlgalka la dagaalanka burcadbadeeda ee Midoowga Yurub ee lagu magacaabo EUNAVFOR ayaa loo kordhiyey muddo labo sano oo dheeraad ah inta ay sii joogayaan biyaha Soomaaliya. Midoowga Yurub waxa uu…

Maraakiibta xeebaha SoomaaliyaHawlgalka la dagaalanka burcadbadeeda ee Midoowga Yurub ee lagu magacaabo EUNAVFOR ayaa loo kordhiyey muddo labo sano oo dheeraad ah inta ay sii joogayaan biyaha Soomaaliya.

Midoowga Yurub waxa uu sheegey in inkasta oo ay hoos u dhaceen weerarada ka dhaca xeebaha Soomaaliya , hadane in halista kasoo food leh burcad badeeda ay tahay mid wali taagan.

“Nooca Ganacsiga ee burcadbadeednimo waa mid murkacday balse ma uusan jabin” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ah.

Qarashka ku baxaya hawlgalka labada sano ee soo socota ayaa lagu sheegey $18.2, waxaana taliska hogaan ka ah Jeneraal Martin Smith oo ka tirsan ciidamada badda ee Britain.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments