Agaasimaha Hey’adda Amniga ee PIA Cabdi Xassan Xusseen , ayaa ka digey dhul boob la sheegey in uu si xawli leh oga socdo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Cali Cabdicasiis, agaasimaha ayaa farta ku fiiqey in ciidamada amniga ay qeyb ka yihiin hawlaha dhul boobka, wuxuuna u direy digniin , isagoo xusuusiyey in ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.
“Bur Dhuleedku waa umadii oo dhan oo dhulka ku kacday, shacabkaa ka mid ah oo waxmarato ah, qeybadan oo ciidamada ah, guud ahaan ciidamada oo aanan la kala saarayn, waxaan u sheegayaa oo aan baaq u jeedinayaa ciidamada dowlada Puntland, sharci uma leh askari in uu xuquuq uusan lahayn sheegto, ama inuu ugu horbilaabo, askari sidiisaba waa sharci illaaliye, ninkii sharciga illaalinayay in uu sharci dumiyo noqdo, oo qawleysato dhuleed ugu hor bilaabo, arrintaasi xaashaalilaah arin ina qabato ma ahan, arrintaasi waa in laga digtoonaadaa, lagana waantoobaa, lagana joogsadaa” ayuu yiri



From the comments