Mid ka mid ah xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdi Barre oo hadal kooban maanta siiyey Goobjoog ayaa sheegey in aysan waxbo ka jirin warar warbaahinta qaar ay faafisey oo ahaa in ay gorgortan ka galeen moowqifkoodii hore.
“Moowqifkeena waa cadyahay, marnaba gorgortan kama galayno, waxaanan u taaganahay difaaca sharcigii aan u dhaaranay” ayuu Goobjoog u sheegey xildhibaan Cabdi Barre.
Wuxuu sheegey in madaxweynaha la kulankiisa uu yahay mid caadi, lalana kulmi karo maadaamaa uu yahay madaxweynihii dalka, balse aysan jirin xildhibaano mooshinka kasoo horjeeda oo inta madaxweynaha la kulmey kadibna gorgortan ka galay moowqifkooda.



From the comments