Xubno isugu jira Dowlada Federaalka Soomaaliya, siyaasiin, iyo waxgarad ayaa lagu wadaa in ay gaareen Magaalada Garbaharay ee xarunta gobalka Gedo si ay uga qayb galaan wajiga Labaad shir dib u heshiisiin ah oo lagu qabanayo Magaaladaasi.
Falanqeynta Nabadda iyo abaaraha ku soo noq noqday Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa qayb ka ah waxyaabaha loogu hadli doono shirkan inta uu ka soconayo Magaalada Garbaharay.
Siyaasiinta lagu marti qaadayo shirkan ayaa dhankooda lagu heshiisiin doonaa halkaasi, kuwaas oo ku kala aragti duwan Maamulada laga hergalinayo Koonfurta Dalka oo uu ka jiro Gobolada Gedo.



From the comments