Ciidamada amaanka ee dowladda Kenya ayaa maanta waxa ay howlgal culus ka wadaan degmada Mandheere ee gobalka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo shalay Al-shabaab dad shacab ah ku laayeen.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ay wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan Raadka dadkii dilay shacabkaasi, iyadoo mas’uuliyadda weerarkaan ay sheegteen Al-shabaab.
Mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi ayaa sheegay in la arkayo ciidamo aad u badan oo gaaf wareega Mandheera, sidoo kale meelaha ay ka shakiyaan baaraya.



From the comments