Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar uu maalintii Jimcaha ahayd ku aaday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Gudoomiya iyo wafdigii la socday ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana safarkaan uu qaatay Laba maalin.
Soo dhaweynta gudoomiyaha waxaa ka qeyb qaatay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, Xildhibaano iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada.



From the comments