Gudoomiyaha baarlamaanka Iraan Cali Lajijani ayaa sheegey in dowladiisa ay balanqaadayso in ay Soomaaliya garab ka siin doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo waliba burcad badeeda.
Wuxuu hadlayay kadib markii uu la kulmey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, iyaga oo ka wada qeybgalayay shir ay gudoomiyeyaasha baarlamaanada ku lahaayeen dalka Jabuuti.
‘Iraan waxay diyaar u tahay in aan tabobarno ciidamada Soomaaliya si loola dagaalami argagixisada iyo burcad badeeda “ ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Iraan.



From the comments