Kulan dhex maray jaaliyadda Soomaalida iyo Hey’adda Xuquuqul Insaanka Koonfur Afrika ayaa waxaa looga hadlay dilalka iyo dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysto dalkaasi.
Jaaliyadda Soomaalida ayaa hey’adda Human Rights Commision u gudbiyey shahaadooyinka dhimashada illaa 80 qof oo Soomaali ah oo gobolka Western Cape lagu diley sanadkani iyo kii lasoo dhaafay.
Yuusuf Cumar Axmed oo madax ka ah ururka Save Somali Community ayaa sheegey in dilalka dhacay aanan waxbo laga qabanin, sidaasi darteedna ay gudbiyeen cabasho arinkani ku aadan, iyaga oo balanqaad wax ka qabasho ah ka heley hey’adani, sida in lala kulansiiyo laamaha dowladda ee garsoorka ee arrintani quseyso.



From the comments