Waxaa soo baxaya muran xoogan oo ka taagan cidii maamuli lahayd deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, ka dib markii la sheegay in dadka deegaanka ay ku jahwareereen halka ay raacsan yihiin.
Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay arintaan jirta, iyaga oo qeyb ka ah is qab qabsiga ku aadan maamulidda deegaankaasi.
Mustaf Sheekh Cabdi Waaxid oo ka tirsan maamulka degmada Afgooye ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in marnaba aanay u dulqaadan doonin arinta ku aadan in deegaankaasi laga maamulo gobalka Banaadir.



From the comments