Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay ku laayeen shacab ku sugnaa duleedka Mandheera

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dad u dhashay dalka Kenya, iyaga oo halkaasi ku dilay 28-tan…

Xasan Sheekh MaxamuudMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dad u dhashay dalka Kenya, iyaga oo halkaasi ku dilay 28-tan qof.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi, waxaana madaxweynaha uu u tacsiyadeeyay shacabka iyo dowladda Kenya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay ka go’an tahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab, ayna sii xoojinayaan sidii loo ciribtiri lahaa.

Al-shabaab ayaa shalay weerary bas maraayay deegaan ku yaala duleedka magaalada mandheera, waxaana uu ku wajahnaa Baskan magaalada Nairobi ee dalka, iyadoo halkaasi dad badan lagu toogtay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments