Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si kulul waxa uu u cambaareeyay weerar ciidamad Al-shabaab shalay ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen shacab u dhashay dalka Kenya, kuwaa oo kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkaasi lagu laayay dadka shacabka ah.
Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu tacsi u diray dowladda Kenya iyo Shacabkeeda, waxaana dhanka kale uu xusay in la dar dar gelin doono dagaalada lagula jiro Al-shabaab.



From the comments