Shariif Xassan oo Shir Jaraa’id Qabtay, Sheegeyna in uu Soo Dhisayo Wasiiro Tayo Leh (Dhageyso)
Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dhawaan loo doortey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo maanta shir jaraa;id ku qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo kala duwan, waxaana ka mid ah qorshayaasha uu damacsanyahay.
Wuxuu ugu horeyn u mahadceliyey ergadii shirka iyo odayaashii isaga soo doortey iyo ciidamadii sugey amniga shirka.
Shariif Xassan ayaa balanqaaday in uu soo dhisi doono wasiiro karti leh, aqoon leh, islamarkaasina qibrad u leh shaqada loo dirayo.
Wuxuu intaasi ku daray in marka koowaad uu nabad ugu baaqayo dhamaan dadka dega sedexda gobol, in uu codsanayo in dadka aanan shirka qeyb ka ahayn ay kusoo biiraan geedi socodka dhismaha dowladnimo, isagoo yiri “Albaabada waa u furanyihiin cid kasta”.
“Cidna laguma dulmin doono maamulkani, waxaanan tan koowaad ku dadaalaynaa dib u heshiisiinta iyo isu keenista beelaha wada dega gobolka iyo mideyntooda” ayuu yiri Shariif Xassan oo dadka ka codsaday in ay garab istaagaan maamulkiisa.
Dhanka kale Shariif Xassan ayaa cambaareeyey weerarkii Alshabaab ay ka geysatay gudaha Kenya, wuxuuna ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah “Alshabaab waxa ay dalkeena iyo dariskaba ku heyso waa loo jeedaa, waa in adduunka oo dhan meel oga soo wada jeedsado” ayuu yiri Shariif Xassan oo sheegey in sidoo kale uu ka tacsiyeynayo dadkii la laayay.
17-kii bishan Nofeembar ayaa Shariif Xassan Sheekh Aadan, oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loo doortey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee sedexda gobol ka kooban, waana markii ugu horeysey oo si rasmi ah saxaafadda ola hadlo.
Dhageyso
Goobjoog News