Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa gala xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.
Ciidamada ayaa wadooyinka ka xiray Inta u dhaxeysa Isgoysyada Tiyaatarka iyo sidoo kale Dabka, waxaana halkaasi loo diidayaa inay maraan gaadiidka shacabka.
Uljeedka wadooyinkaan loo xiray ayaa ah kulanka maanta ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah.



From the comments