Madaxweynaha dhawaan loo doortey maamulka Koonfur Galbeed ee sedexda gobol Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka lixda gobol Cumar Aadan Xassan (Cumar Dheere).
Kulanka kadib oo labada nin ay shir jaraa’id qabteen ayuu Cumar Dheere sheegey in uu aqbalay wadahadalkii uu dhawaan ku baaqay Shariif Xassan, wuxuuna intaasi ku daray in markii hore ay la dhacsanaayeen fikrada lixda gobol, balse maadaamaa ay shaqayn weysey, tan sedexda gobolna ay shaqaysay aysan jirin wax hor istaagayo in ay wadahadal la furaan Shariif Xassan.
Shariif Xassan ayaa dhankiisa ka mahadceliyey wadahadalka furmey, isaga oo xubnaha uu la kulmey ku amaanay dhiiranaantooda.



From the comments