Xeer Illaaliyaha guud ee dowladda Axmed Cali Daahir ayaa shalay kasoo laabtay safar kormeer ah oo uu ku gaaray magaalada Baraawe.
Mudane Axmed oo warbaahinta la hadlay markii uu soo laabtay ayaa sheegey in ay halkaasi tageen kadib markii ay maqleen warar la xiriira in dhuxushii dhoofkeeda la mabnuucey ee Baraawe tiiley si qarsoodi ah loo dhoofinayo, arrintaasi ay kormeer kasoo sameeyeen.
Wuxuu dhanka kale ku wargaliyey ciidamada dowlada qeybahooda kala duwan in ay ka hortagaan xaalufinta dhirta iyo waliba dhoofka dhuxusha oo uu sheegey in ay tahay mabnuuc.



From the comments