Guddoomiyaha degmada Hobyo Maxamed Maxamuud Cawaale ayaa ka hadlay dooni ganacsi oo kuso xiratay dekada Hobyo markii ugu horeysey muddo badan oo sanooyin ah, wuxuuna sheegey in uu yahay horumar weyn oo biloowdey.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu tibaaxay in dekeda ay xirney muddo dhawr iyo tabon sano ah, balse maanta markii dhibaatadii burcad badeeda ay yaraatay in horumarkiina uu biloowdey.
Wuxuu tibaaxay in Hobyo ay waligeedba ahayd xarunta ganacsiga gobolada dhexe, qorshuhuna uu hada yahay in sideedii hore lagu soo celiyo, wuxuu xusey in aslaaxinta nabadgalyada ay gogol xaar u ahayd in hawlihii ganacsiga ee dekeda ay biloowdaan.



From the comments