Dad lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin Alshabaab ayaa lagu qabqabtay hawlgal ciidamada dowladda ay ka fuliyeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha ciidamada dowladda ee Maxaas Maxamed Muunin Saneey ayaa Goobjoog u sheegey in ay soo qabqabteen dad gaaraya illaa 10 qof, kuwaasi oo ay wali baari ku socoto.
“Baaris ayaa ku socota, kuwa aan dambiga lahayna waa la siideyn doonaa, kuwa uu dambiga ku cadaadana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa, caalamka ayaanan usoo bandhigeynaa, mana jiri doono qof laablaab iyo luuqluuq lagu siideyn doono” ayuu yiri taliyaha.



From the comments