Taliyaha oo hadlay ayaa sheegey in ay been abuur tahay in amniga Boosaaso uusan wanaagsanayn, balse kaliya ay jiraan dhalinyaro ciyaal iskuul ah oo bilaabay dhaqamo xun xun oo aanan horey looga baran.
Duqa magaalada ayaa isna wax lala yaabo ku tilmaamay in waalidiintii dhalay dhalinyarada aysan ka warheynin waxa ay sameynayaan ubadkooda.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad ayaa warbaahinta u akhriyey 3 qodob oo kasoo baxay shirkii dhacay.
In cid kasta oo lagu helo hawlaha is rasaaseynta oo ka tirsan kooxaha dhalinyarada sharciga la horgeyn doono
In waalidkii dhalay ama dadka mas’uulka ka ah dhalinyarada haddii ay qabsan waayaan ama qaadan waayaan doorkooda wanaagsan in iyaguna sharciga la horgeyn doono
In qofkii la ogaado in uu ku lug leeyahay abaabulka dhalinyaradani uu isna ku dambi noqon doono dhalinyarada
Mas’uuliyiinta kulmey ayaa waxa ay rumeysanyihiin in dad dano kale leh ay ka dambeeyaan dhalinyarada, islamarkaasina abaabulayaan.
From the comments