Wafti heersare oo ka socdey midoowga Afrika oo ka koobnaa dublamaasiin heerar kala duwan ah oo maanta dalka gaaray ayaa kulan la yeeshey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wasiiro ka mid ah xukuumadda.
Kulanka dhexmaray waftiga iyo wasiirada ayaa waxa uu ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay wasiirada caafimaadka, gaashaandhiga, arrimaha dibada iyo arimaha gudaha.
Waxaa waftiga hogaamineysay haweeneey lagu magacaabo Bineta Diop taasi oo ah ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha midoowga Afrika u qaabilsan haweenka, nabada iyo amniga, waxaa kale oo qeyb ka ahaa safiirka Namibia u fadhiya Midoowga Afrika.



From the comments