Waxgaradka ku dhaqandegamnda Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in cuduro ay ka dilaaceen daadadkii ka dhashay roobkii dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho, taasi oo saameyn ku yeelatay shacabka degan degmadaasi.
Nabadoon Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka degmada Kaxda ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dhibaatada ugu daran ay hayso dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan degmadaasi.
Waxa uu sheegay Nabadoonka in cuduradaan oo shubanka iyo duumada ka mid yihiin ay aad u saameeyeen dadkaasi, sidoo kalena aanu jirin goobo caafimaad oo dabooli kara baahida dadka ay qabaan.



From the comments