Bangiga weyn ee Westpac ee dalka Australia kaasi oo ahaa kan kaliya ee xawaaladaha Soomaalida akoonada ku lahaayeen si dadka Soomaalida ee halkaasi ku nool ay qoysaskooda iyo qaraabadooda Soomaaliya jooga biilalka ugu soo diraan ayaa dib u dhigey go’aan uu horey u shaaciyey oo ahaa in uu akoonada xirayo.
Afayeen u hadlay bangiga Danny John ayaa sheegey in go’aankooda xiritaanka ay dib u dhigeen illaa maxkamadda heerka federaal ay go’aan ka gaarayso dacwad ku saabsan xiritaanka oo hortaala.
Kumanaan Soomaali ah oo ku nool Australia ayaa ka walwalsan in ay waayaan si ay biilka ugu diraan qoysaskooda haddii akoonada la xiro, waxaa dadkaasi ka mid ah nin oday ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jaamac Cusmaan kaasi oo bil kasta boqol doolar u dira haweeneey ay walaalo yihiin oo 80 jir ah.



From the comments