Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay qoraal ay kaga digeyso weeraro argagixiso oo lala damacsanyahay dalka Jabuuti, halkaasi oo ay horey uga dhaceen weeraro ismiidaamin ah.
Maraykanka waxa uu u digey muwaadiniintiisa iyo kuwa reer galbeedka ee booqanaya Jabuuti.
Warka qoraalka ayaa lagu yiri “Weerarada waxa ay bartilmaameedsan karaan dhismayaasha dowladda, safaaradaha, xerooyinka ciidamada, iyo bartilmaameedyada sahlan sida maqaayadaha, caweysyada, hoteelada, iyo meelaha kale ee meheradaha ah”.



From the comments