Cabdi Nuur iyo Cabdullaahi Yuusuf oo ah wiilal dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu xirey dalka Maraykanka, kadib markii lagu eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.
Sida uu sheegey ku xigeenka xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka John Carlin , mid ka mid ah wiilashani oo ah Cabdi Nuur ayaa bishii May ee sanadkani u socdaalay dalka Turkiga si uu oga barbar dagaalamo kooxda Daacish, balse bishii June ayuu ku laabtay dalka Maraykanka.
“16 kun oo dagaalyahan oo ka tagtay illaa 90 wadan ayaa u safray dalka Suuriya si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada, tanina waa wax laga walwalo” ayuu yiri mas’uulkani.




From the comments