
Maamulka Madoobe Nuunoow ee sheegta in ay maamulaan Lixda gobal ee Koonfur Galbeed ayaa rajo ka muujiyay wada hadal ay dhawaan la fureen maamulka Koonfur Galbeed.
C/qaadir Ajuuke oo ka mid ah xubnaha maamulkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in wada hadalka xilligaan uu yahay mid ku dhaw in uu mira dhalo, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu sheegay in ay aad u wanaagsan tahay in la wada hadalo si markaasi loo helo aragti mid ah, isaga oo sheegay sidoo kale hadii ay dhacdo in heshiis la wada gaarayo lama huraan ay tahay dowladda in goobta ay ku sugnaato.



From the comments