Odayaasha dhaqanka ee gobalka Gedo ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka ee Soomaaliya in gobalkaasi ay ka saarto ciidamada Kenya, ka dib markii ay sii kordheyn duqeynta diyaaradaha Kenya ay ka fulinayaan Gedo.
Nabadoon Xuseen Aadan Warsame oo ka mid ah Odayaal kulan ku yeeshay Degmada Beledxaawo ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii dulqaadka ee diyaaradaha Kenya ay sii duqeyn lahayen dadka xoola-dhaqatada ee Gobolkaasi degan.
Waxa uu sheegay Nabadoonkaan in wax badan ay isku dayeen in ay kala hadlaan saraakiisha Kenya duqeynta xad dhaafka ah, hase ahaatee uu sabarkii ka dhamaaday.



From the comments