Sanaa,November 26,2014 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Sanaa ee Caasimadda dalka Yemen Ra’iisul wasaaraha dalkaasi H.E. Khaled Mahfud Bahah oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal , arrimaha qaxootiga iyo iskaashiga walaalnimo ee u dhaxeeya labada shacab.
Wasiir Beileh , waxa uu kala hadlay Ra’iisul wasaaraha Yemen , kordhinta deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda Soomaalida iyo xoojinta dadaalada lagu cirib-tirayo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda ee dalalka Soomaaliya iyo Yemen dhibaatooyin ba’an u kala geystay.
Ra’iisul wasaaraha Yemen H.E. Khaled Bahah ayaa muujiyay xushmadda uu u hayo mowqifka Soomaaliya ay ka taagan tahay u saldhigidda amniga , nabadgelyada iyo ilaalinta midnimada Yemen .

















From the comments