Degmada Xudur ee gobalka Bakool waxaa socdaal ku gaaray dhawaan xubno ka socda maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaa oo dhawaan doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhaba.
Xubnahaan ayaa sheegay in halkaasi ay u gaareen arimo badan oo ay ugu horeyso baahinta maamulka Koonfur Galbeed, iyo sidii ay ula kulmi lahaayeen waxgaradka halkaasi ku dhaqan.
Gudoomiyaha hor kacaya Xubnahaasi Xasan Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in aysan ku ekaan doonin degmada Xudur islamarkaana ay u gudbi doonaan degaano kale oo ka mid ah gobalada Bay iyo Bakool.



From the comments