Waxaa muda labo sana ah howlgab ahaa isbitaalka weyn ee degmada ceelwaaq ee gobalka gedo oo adeegyo caafimaad ay ka heli jireen dadka ku dhaqan degmadaasi iyo tuullooyinka hoos yimaada,iyadoo xirnaanshaha Isbitalkaasina ay sabab u ahayd ka bixitaanka Hay,addii maamulaysay Isbitaalka oo la oran jirey COSVI.
Isbitaalka Ceelwaaq ayaa todobaadkan mar kale dib loo howgeliyey ,ka dib markii adeegyadii caafimaad ee Isbitaalkaasi ay la wareegtay Urur Samafal maxali ah oo deegaanka ah laguna magacaabo Human Development Cencern oo markii lasoo gaabiyo loo yaqaano HDC horaana kahowlgali jirtey magaalooyin badan oo gobolka Gedo ah sida: Dollow Somalia, Luuq, Baladxaawo, Baardheere, Geriley iyo Faafaxdhuun oo intaba ay kafulineysey adeegyada caafimaad ee looga baahnaa .
Axmed Maxamed Cali oo ah Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Ceelwaaq oo u waramayey Warbaahinta GOOBJOOG ayaa sheegay Isbitaalka Ceelwaaq oo dayacnaa mudo labo sanno ah in ay dayactir iyo balaarinba ay ku sameeyeen Qeybaha uu ka kooban yahay,isagoo sheegayna isbitaalka in uu xilligan shaqeeyo islamarkaana adeegyo caafimaad oo lacag la,aan ah uu u qabto dadka deegaanka.



From the comments