Goobjoog

Iska Hor Imaad iyo Duqeymo Ka Dhacay Jasiirada Kudhaa

Wararka laga helayo jasiiradda Kudhaa ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Jubba iyo kuwa Alshabaab oo halkaasi la wareegey bil…

ShabaabWararka laga helayo jasiiradda Kudhaa ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Jubba iyo kuwa Alshabaab oo halkaasi la wareegey bil ka hor.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen duqeymo ay geysteen dayuuradaha dalka Kenya, kuwaasi oo dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay duqeymo ka waday qeybo ka mid ah Jubbooyinka iyo Gedo.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka iyo duqeynta.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments