Maamulka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegay in nolol ciriir ah ay ku nool yihiin ciidamada Booliiska magaaladaasi, ka dib markii aany ciidankaasi helin mushaaraadkii ay heli jireen.
Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Cismaan Cabdi Macalin Qalaafoow oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa isna codkiisa ku biiray cabashada mushaar la’aanta xilligaan hayso ciidanka Booliiska Baladweyne.
“Dowladda Soomaaliya 55 askari ayeey mushaar siisaa, kuwaa xitaa Afar Bil ka dib ayaa Boqol doolar loo soo diraa, marna maba helaan, waxaa degmada ka shaqeeya 256 askari oo Booliis ah, inta kale mushaar maba helaan, waxaad u jeedaa marka in nolosha Booliiska ay ciriir tahay, habeen iyo maalin howlgal ayeey wadaan, dhibaato ayeey ku shaqeeyaan, dadaalkooda ma xuma, iyadoo la ogyahay inuu qori saarsan yahay, caruur iyo xaasas meel u jooga, noloshooda waa la dareemi karaa” ayuu yiri gudoomiyaha Baladweyne.



From the comments