Suuq Saamiyada lagu kala iibsado ayaa la sheegey in laga furayo Soomaaliya biloowda sanadka soo socda, waxaana durba is diiwaangaliyey illaa 7 shirkadood oo waaweyn oo ay ka midyihiin kuwa shidaalka soo saara.
Hadalkani waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegey Ciid Maxamed oo ah asaasaha suuqani saamiyada, xili uu ka qeybgalayay shir agaasimeyaasha suuqyada saamiyadda ama Stock Exchange oo ka dhacayay magaalada Diani ee dalka Kenya.
Wuxuu sheegey in shirkadaha is diiwaangaliyey ay ka midyihiin kuwa isgaarsiinta, iyo kuwa xawaaladaha iyo bangiyo ay Soomaalida leedahay, iyo sidoo kale shirkado waaweyn oo shidaal qodis ah oo haatan baaris ka wada Soomaaliya.



From the comments