Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaano kale ay kulan la qaateen madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna kala hadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Xildhibaanka oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in madaxweynaha uu usoo bandhigay in la joojiyo waxa baarlamaanka ka jira, iyo in wax walba sida ugu haboon loo maro.
Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Maxamed in madaxweynaha kala hadleen sidii howlaha horyaala dowladda aanay saameyn ku yeelan khilaafka xilligaan jiri.



From the comments