Maamulka dagmada Holwadaag, iyo Ururka ganacsatada Daawalayda Soomaaliyeed ayaa maanta adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah u sameeyay dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmadaasi.
Axmed Cali Suldaan oo ah gudoomiyaha Ururka Ganacsatada Daawaleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in maanta adeega ay qabteen ahayd bukaan eegtada, ka dib codsi ay shacabka usoo jeediyeen.
Axmed ayaa sheegay in iyaga oo wata dawadii, Dhaqaatiirtii iyo qalabkii waxbaarista ay gaareen degmada Howlwadaag si ay uga jawaabaan codsiga dadkaasi, ka dib roobab biyo fariisid sameeyay oo guud ahaan magaalada Muqdisho ka da’ay.



From the comments