Maamulka gobalka Hiiraan ayaa guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeyay ee ka dhacay deegaano ka mid ah gobalka Hiiraan, kaa oo ay la galeen ciidamada Al-shabaab.
Afhayeenka maamulka Gobalka Hiiraan Xasan Maxamed Ibraahim oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dagaalada ay ahaayeen kuwo ay ka gacan siiyeen ciidamo uu ku sheegay dadka deegaanka, ay suura gashay in Al-shabaab meelo badan laga saaro.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in amaanka guud ee gobalka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay iyaga gacanta ku hayaan tahay mid la’isku haleen karo, ciidankuna kusii wajahan yahay deegaano kale.



From the comments