
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sharci darro ku sheegay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo ay keeneen xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa carrabka ku dhuftay in mooshinkani yahay mid laga leeyahay dano gaar ah, isaga oo sheegay in xilligaan baarlamaanka looga baahan yahay arintaasi in ay ka fiirsadaan.
Mooshinkaan ayuu sheegay in caqabad uu ku noqday shaqooyin badan oo horyaala dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena caqabad ku yahay hiigsiga 2016.



From the comments