Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu usoo jeediyay in la xaliyo khilaafka ka dhex aloolsan mudanayaashaan ka dib mooshinkii laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay xildhibaanada aragti ahaan kasoo horjeeda mooshinkaan, waxaana uu u sheegay in aanay wanaagsaneen xilligaan Baarlamaanka in buuq hareeyo, sidoo kalena ay aragti ahaan kala duwanaadaan.
Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweeyeen in la xaliyo waxa ka jira Baarlamaanka Soomaaliya, madaxweynahana uu muujiyay sida uu wax walba uga xunyahay.



From the comments