Rome, November 28,2014 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo booqasho ku jooga maalintii labaad Magaalada Rome ee Caasimadda Italy , halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir looga hadlayo tahriibka iyo socdaalka sharci darada ah oo Midowga Yurub uu qaban-qaabiyay ayaa waxa uu kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Italy iyo Germany .
Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh , ayaa la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Talyaaniga H.E. Paolo Gentiloni iyo Germany H.E. Frank-Walter Steinmeier oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee Soomaaliya kala dhaxeeya .
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kala hadlay wasiiradaasi kordhinta deeqaha horumarinta ah iyo tababaridda ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.



![DSCN6530[1]](http://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/content/uploads/2014/11/DSCN65301-300x225.jpg)







From the comments