Habeenkii xalay ahaa waxaa Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, waxyeelo ka geystay Libaax la sheegay in lagu haayay mid ka mid ah guryaha halkaasi ku yaalay.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in Libaaxaan uu muddo halkaasi joogay, kana mid ahaa Sedax Liibaax oo Haweeneey halkaasi ku haysatay, balse Labadii kale kol hore ay geeriyoodeen.
Laba qof oo mid ka mid ah Haweeneey tahay ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dhaawacmeen, waxaana halkaasi kasoo baxsaday qoyskii ku sugnaa hoyga Libaaxa lagu hayay, ka dib markii xaaladda ay is bedashay.



From the comments