Guddiga xalinta xiiisado ka taagan magaalada Caabudwaaq ee gobalka Gal-gaduud ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo ay la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi, iyo waxa u qabsoomay.
Afhayeenka guddigani Duraan Cali Fareey ayaa sheegay inay la kulmeen waxgaradka, culumada, haweenka iyo guddiyo kala matalayay labo beelood oo magaalada ku dagaalamay, isaga oo rajo ka muujiyay in ay kasoo baxaan, waxyaabo wax ku ool u ah shacabka Caabudwaaq.
Wuxuu sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan in nabadda ay qaataan beelaha dirirsan isla markaana iminka wax colaad ah oo magaalada ka taagan aysan jirin.



From the comments