Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan heshiis shalay ay magaalada Gaalkacyo kula gaareen maamulka Gal-mudug State kaa oo Afar qodob ka koobnaa.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sheegay inay u baahan yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen wax u qabashada dadka ku dhaqan gobalada dhexe, isaga oo heshiiskii dhacay ku sheegay guul soo hoyatay.
Waxa uu wasiirka sidoo kale sheegay ina y rajo ka qabaan iskaashi dhexmara iyaga iyo Gal-mudug si loo kobciyo kaabayaasha dhaqaale ee Labada dhinac.



From the comments