Suuq weyn ayaa maanta la dhagax dhigey magaalada Baladweyne, wuxuuna suuqani qeyb ka yahay mashaariic horumarineed oo dowladda Ingiriiska ugu deeqdey Soomaaliya, soona marsiisey dowladda Federaalka.
Isaga oo furayay suuqa ayaa guddoomiyaha degmada Mudane Maxamed Cusmaan Macalin waxa uu sheegey in suuqani uu ka koobanyahay 132 dukaan, kuwaasi 72 ka mid ah yihiin bakhaaro, halka inta soo hartayna ay yihiin dukaamo iyo kawaano.
Wuxuu guddoomiyaha sheegey in horey dowladda Ingiriiska ay u maalgalisey illaa 5 mashruuc oo kale, kana filayaan mashaariic kale sida isbitaalka oo uu sheegey in haatan habeenkii toosh dadka lagu qalayo, uuna rajaynayo in leerar lagu rakiyo.



From the comments