Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay hawlo lagu dayactirayo nalalka cadceeda ku shaqeeya ee wadooyinka magaalada Muqdisho.
Dayactirkaan lagu sameeynayo nalalka dansan ee cadceeda ku shaqeeya ayaa waxa ay timid kadib markii nalalka cadceeda ku shaqeeya qaarkood uu ka dhacay batterigii ay ku shaqeynayeen taasi oo hada maamulka Gobolka Banaadir uu dayaactir balaaran ku sameynayo.
Afhayeenka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud faarax (Cali Seeko) oo ka mid ahaaa masuuliyiintii kormeersay shaqada dayactira nalalka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hawlgalayo nalalka dansan ee wadooyinka maagalada Muqdisho si kor loogu qaado bilicda magaalada iyo aamankaba.








From the comments