Muqdisho, 30, Novembar, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaano hoostaga degmada Xarardheere in ay deg deg u joojiyaan colaada, isuguna yimaadaan miiska wada hadalka.
Ra”iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaaladaan aysan ahayn kuwo loo cudur daari karo marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay iyo barakaca ay u gaysteen dadka deegaanka ku dhaqan.
“Beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso waxaan ugu baaqayaa in ay xabad joojin deg deg ah ku dhaqaaqaan, kana waantoobaan colaadaha macno darada ah ee ku soo noq noqonaya deegaanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in maamulada ka jira goboladaas looga baahan yahay ka qayb qaadashada daminta colaada iyo xal u helida mushkilada ka taagan deegaankaaas.



From the comments