Taliyaha saldhigga Booliska magaalada Baladweyne Gaashaanle DhexeCali Duux Cabdi Mahad-Alle ayaa ka jawaabay warqad kasoo baxday taliska booliska Soomaaliyeed taasi oo lagu amrayay in uu xabsiga kusoo celiyo nin ku eedeysnaa in uu dil ka geystey Baladweyne, kaasi oo warqada lagu sheegey in uu taliyaha xabsiga kasiidaayay.
Cali Dhuux ayaa Goobjoog u sheegey in eedeysanahaasi uu xabsiga ku jiro, been abuurna tahay in uu isaga xabsiga kasiidaayay.
“Waakanaa ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa , magaciisu waa Cabdishakuur Cilmi Cabdi , ninka dhinteyna wuxuu ahaa taliyihii miino baarista” ayuu yiri.



From the comments