Afayeenka Dhaqdhaqaaqa Ahlu Suna Waljamaaca ee Koonfurta Soomaaliya Sheekh Isaaq Al-Qaadi ayaa sheegey in marnaba ciidamadooda aanan lagu dhafi doonin ciidamada dowladda sida uu yahay qorshe uu dhawaan shaaciyey madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Afayeenka ayaa sheegey in ciidamada Ahlu Suna ay soo jireen muddo dheer, kaligoodna dagaalada kusoo jireen iyaga oo aanan cidina garab ka helin, wuxuuna tilmaamay in aysan marnaba suurogal ahayn in ciidamadaasi lagu milo kuwa dowladda Soomaaliya.
Wuxuu farta ku fiiqey in horey uu u jirey heshiis dhexmaray ururkooda iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo dowladsa ku eedeeyey in ay fulin weysey heshiiskaasi, sidaasi darteedna aysan haatan jirin wax lagu aamini karo.



From the comments