Dowladda iyo Midoowga Yurub oo Maanta Xariga Ka Jaray Iskuul Dib loo Dhisey (Sawirro + Dhageyso)
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Ciise Maxamed Axmed Guraase iyo wakiilka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa maanta xariga ka jaray iskuulkii 11-ka Janaayo ee degmada Cabdicasiis.
Dugsigani xariga laga jaray oo ah Hoose/ Dhexe ayaa waxaa durba biloowdey duruustii iskuulka, wuxuuna ka midyahay barnaamijka aada dugsiyada ee la doonayo in halka milyan ee ubadka Soomaaliyeed lagu geeyo goobaha waxbarashada.
Waxaa sidoo kale munaasabada xarig ka jarista joogey maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada.
Wuxuu ka mid noqonayaa iskuulaadka sida lacag la’aanta ah wax lagu barto oo si toos ah dowladda u hoostago.
Inta badan goobaha waxbarashada dalka ayaa ah kuwa gaar loo leeyahay, waxaana aad u yar waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay dowladda maamusho.
Dhageyso
Goobjoog News