Wararka saakay ka imanaya degmada Mandera ee xuduuda ku taala ee dalka Kenya ayaa sheegaya in illaa 36 qof oo aanan islaam ahayn oo ka shaqeynayay god carro kaawo ah lagu laayay halkaasi, iyada oo dadkii islaamka ahaa la badbaadiyey.
Dadka ayaa inta safaf la galiyey madaxa laga toogtey, halka qaar kalana la goowracay.
Weerarka ayaa dhacay saqdhexe xalay xili dadka ay hurdayeen teendho oga dhisneyd godka carro kaawada agtiisa, meel lagu magacaabo Koromeey.



From the comments