Kolonzo Musyoka oo ahaa dadkii saxiixay in ciidamada Kenya ay soo galaan Soomaaliya sanadkii 2011-kii xiligaasi oo uu ahaa madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ayaa hadda dalbanaya in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.
Kolonzo ayaa sheegey in joogitaanka ciidamada ay ugu wacantahay dhibaatooyinka amni daro ee ka jira gudaha Kenya, sidaasi darteedna ay tahay in si qorsheysan ay ciidamada Kenya oga soo baxaan Soomaaliya.
“Waa in aan ka fikirnaa qorshe xeeladeysan oo looga soo boxo Soomaaliya, wax laga baqdo ma jiraan ama laga xishoodo” ayuu yiri Kolonzo oo intaasi ku daray in sii joogitaanka ciidamada ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay amni darada ka jirta gudaha Kenya.



From the comments