Waxaa hadda lasoo xirey kulankii baarlamaanka kadib markii la qeybiyey mooshinkii codka kalsoonida loogu dalbayay Ra’isulwasaare Cabdiwali iyo Xukuumadiisa.
Kulanka ayaa bari halkiisa kasii soconaya, iyada oo uu hor imanayo wasiirka maaliyadda si wax looga weeydiiyo miisaaniyadda 2015-ka oo maanta baarlamaanka laga qeybiyey, lana doonayo in la ansixiyo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu sheegey in uu mooshinka ku wargaliyey Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, islamarkaasina uu baarlamaanka hor iman doono si uu isu difaaco. Wuxuu intaasi ku daray in khamiista la bilaabi doono ka doodista mooshinka, “Sabtida nalama dhaafi doono” ayuu yiri guddoomiyaha oo xildhibaanada xusuusiyey in ay soo akhriyaan mooshinka.



From the comments